Maamulka sportiga Somswiss oo abaalmariyay labo ka mida ciyaartooydii sweden tegey Tartankii Seuki 2011

Maamulka sportiga  somali swiss ayaa waxa uu isla gartay in uu abaalmariyo labo ka mida ciyaartooydii ugu  fiicneed sanadkaan una aqoonsaday ciyaartooyda kala ah Maxamed  deeq  (Moo) iyo Axmed xabiib labada.…

 

 

 

 

 

 

 

ciyaartooy oo muujiyayciyaar wanaag laga jecleystay ciyaarihii xagaga ee seuki aadab tooda iyo qaab ciyaareedkooda wanagsan iyagoona soo jiitay taageerayaal fara  badan oo daawanayay ciyaaraha xagaga  seuki waxaan

jecleestay dhaman maamulka sportiga seuki iyo ciyaartooydi hore ee somaliya qaarkii kajoogay iyo weliba saxafada qaarkood ayaa wax ka qoray labada ciyaaryahan  waxaa  safarka ku wehliyay kooxda somswiss sanadkan

2011 gudoomiyaha iyo xoghaynta ururka mudane bashiirqoolif iyo mudane c/rixiin faanoole iyagoo labadoodaba ka hadlay qaabka eey u arkaan labada ciyaartooy waxaa eey yiraahdeen  bashir ”’ axmed yare iyo maxamed

deeq waa ciyaartooy u qalma abaalmarintaan maxaa yeelay iyagoo  dhaawac ah ayeey garoomada ku jireen si eey  u xaqiijiyaan guusha kooxda ” gudoomiye bashiir waxaa uu sheegay in labada ciyaaryahan ahayaan kuwa

naftooda u huray kooxda muujiyeena aqlaaq wanaag iyo ciyaar wanaag waxuu sheegay gudoomiyaha  in labada ciyaryahan yihiin kuwa jecel in eey mustaqbalka dhow u ciyaraan qaranka somaliya sidaas ku haminaaya waxaa

isna wax laga weydiiyay c/rixiin waxuuna yiri”’ma arkin ciyaartooy kaaqlaaq badan inta aan ku dhex jiray kubada cagta waana ciyaartooy u  qalanta in eey ka ciyaaraan garoomada waweyn ee caalamka ”” waxuu sheekay

faanoole in labada ciyaartooy xiriir lasoo sameeyeen somalida degen manchester oo uu  ka mid ahaa sola iyo rag ka socday universal  tv iyagoo noo sheegay in ciyaryahanadan jeclaan lahayeen in eey geeyaan manchester city

si loo tijaabiyo waa  wax wanagsan in ciyaartooy reer  somswiss ah  noqdaan heer caalami  waxaan rajeyneynaa in eey mustaqbalka dhow wax u taran qarankeena somaliya oo cid walbaa oo somali ah xil ka saaran yahay wax

tarkiisa ka dib warbixin dheer waxaa la isla  gartay in loo aqoonsaday labada ciyaryahan ciyaaryahadii ugu fiicnaa sanadkan 2011 waxaana la gudoonsiiyay abaalmarinta sanadka iyagoo labada ciyaaryahan ka midyihiin

ciyaartooyda ka dheesha wadankan swisska oo kooxo ajnabi ah u dheela xirfadooduna aad u sareeyso mar aan weydiiyay su aal axmed xabiib oo ahayd  ma jeceshay inad u  dheesho qarankaaga somaliya mise waxaad u

dheeleysa swisska ayuu axmed yiri””waxaan aad u jeclahay qarankeyga somaliya in aan u dheelo  weliba ciyaaraha carabta ee somaliya ciyaareyso bishan soo socota ee qadar ka dhacayo ayuu yiri axmed ”’ axmedxabiib waxuu

ku haminayaa in uu qaranka somaliya u tago bishan axmed waa wiil eey ku weyntahay somali nimada

W/Q gudoomiyaha sportiga somswiss mr bashiirqoolif

bashirr1@yahoo.com

Short URL: http://www.xararyaale.net/?p=6133

Posted by on Nov 14 2011. Filed under Cayaraha somalida, maxaa cusub, Sports. You can follow any responses to this entry through the RSS 2.0. You can leave a response or trackback to this entry

Leave a Reply

Nuur Jenyo Football Academy

Photo Gallery

Designed by Zakaria